Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga

Recommended Posts

Nin Maxamed Siyaad Barre u eg uma codeyneyno. s0237.gif

Anyway, what was Caynaanshe expecting that poor odeyaal and others did not need laaluush? I wanted him (s)elected, though. Didn't he hear how much bribery Cabdi Ismaaciil Samatar pay? It was tens of thousands.

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

What the...

Maxaa lagu fasiray arrintii yaabka laheyd ee ay sameeyeen ergadii dooratay Senatorada Somaalilaan?

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta sawiro laga qaaday qaar kamid ah ergada Somaliland ee soo dooraneyso Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya Gobolada Waqooyi Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawiro laga soo qaaday qaar ka tirsan ergada ayaa muujinaya shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab (Face-Mask) kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa taasoo keentay in fasiraad kala duwan laga bixiyo sababta ku kaliftay.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen qaar ka tirsan ergada Somaliland inay tahay cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somaliland, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan.

Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland ayna jirto walaac ku aadan in hadii lagu arko ka shaqeynta arrimaha doorashada Soomaaliya xabsiga loo taxaabo.

Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’day Soomaaliya ayaa dhawaan mar kale shaacisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa falkaan ku tilmaamay in ay jiri karaan cabsi dhinaca ammaanka ah oo laga cabsanayo in Al Shabaab ergadan beegsadaan hadii wajiyadooda la aqoonsado.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey u toogtay qaar ka tirsan ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday, waxayna dhawaan ku hanjabtay inay beegsan doonto cid kasta oo ka qeybgasho doorashada Soomaaliya.

 

Screen-Shot-2021-09-29-at-10.45.20-AM.pn

Screen-Shot-2021-09-29-at-10.46.20-AM-13

Screen-Shot-2021-09-29-at-10.47.41-AM-13

Screen-Shot-2021-09-29-at-10.47.28-AM-13

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuraastii ugu horeeysay doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

2021111637713398629472239.jpg

2021111637713398724685725.jpg

Waxaa goordhaw si rasmi ah Xarunta Tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho loogu doortay kursigii ugu horeeyay ee doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ee Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kursiga uu goordhaw ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed oo tirsigiisu yahay HOP239, waxaa kula tartantay Mushtaaq Ibraahin Yuusuf, waxaana codeynayay 101 Ergo oo la soo xulay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay natiijada codeyntii doorashada ayaa sheegay in Mahdi Guuleed uu helay codad gaaraya 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahin ay heshay 3 cod, islamarkana hal cod uu halaabay.

Waxaa sidoo kale daqiiqado kadib la doortay kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP237, kaasoo ay ku wada tartameen Biixi Iimaan Cige oo ahaa Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Cabdiraxmaan Xasan Ismaciil, waxaana ku guuleystay kursiga oo markale Xildhibaanka afarta sano soo socota noqday Iimaan Biixi Cige oo helay 91 cod, halka Cabdiraxaan Xasan uu helay 9 cod.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray labada Xildhibaan ee maanta doorashadioda ka qabsoontay xarunta Tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan"ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Doorashada labada kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho ayaa bilow u ah 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada  Waqooyi, islamarkaana lagu dooran doono gudaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.