Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado horleh oo dad falastiiniyiin ah iyo Boliiska Israa’iil ku dhex maray Quddus

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhowaad 50 qof oo ka mid ah Yuhuudda lagu degaameeyay bariga magaalada barakaysan ee Quddus ayaa gudaha u galay maanta Masjidka Al-Aqasa xilli ay halkaasi ku cibeedeysanayeen muslimiinta reer Falastiin.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in booliska Israa’iil ay goor hore oo maanta ah weerareen Falastiiniyiin salaadda subax ku tukanaysay masaajidka, iyagoo si xad dhaaf ah u garaacay dadkii cibaadeysanayay, si ay fursad u siiyaan rabshad wadayaal Yuhuud ah.

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarka iyo rabshadaha ay Israa’iiliyiintu ka geysteen masjidka barakaysan ee Quddus, waxanay Ankara sheegtay inay Yuhuuddu ka xuntahay damaashaadka iyo guulaha ay gaareen dadka reer Falastiin.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo xabad joojin jilicsan ay kajirto magaalada go’doonsan ee Gaza, ka dib 11 duqeymo ah oo ay halkaasi ka wadday Israa’iil.

PUNTLAND POST

The post Rabshado horleh oo dad falastiiniyiin ah iyo Boliiska Israa’iil ku dhex maray Quddus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this