Sign in to follow this  
Deeq A.

Ololaha Doorashada Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Guud Ahaan Dalka Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ololaha doorashada baarlamanka iyo golleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland.

Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta billaabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba laba maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku bilaabmay ololaha xisbiga UCID wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah.

Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo golleyaasha deegaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this