Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulafooyinka siyaasadeed ee ka samaysmay gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

XULAFOOYINKA SIYAASADEED EE KA SAMAYSMAY GOBOLKA IYO DANAHA AY DABADA KU HAYAAN !!!

Waxa aad loo dareemayaa in ay xulafooyin ka sameysmeen gobolka Geeska Africa kuwaasi oo dano siyaasadeed dabada ku haya , waxaana ay soo bilaabeen ilaa xiligii heshiiska sadex geesoodka ah kala saxeexdeen wadamada Ethiopia , Somalia , Erateria heshiiskaasi oo aan nuxur ahaan ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay aan la garanayn.

Sanadkii ugu dambeeyey ayaa waxa muuqday xulafo kale oo siyaasadeed oo u muuqata in ay u babac dhigayso xulafadaasi hore oo ay ka mid yihiin dawladaha Kenya , Somaliland , Djibouti oo aad loo dareemayo saameyntooda siyaasadeed ee gobolka .

Marka laga yimaado xulafooyinka siyaasadeed waxa jirta khilaafyo culus oo ka jira wadamo badan oo gobolka kawada tirsan oo ay ka mid yihiin Somalia iyo Kenya kaasi oo ku fadhiya colaado taariikhi ah iyo xuduudaha berriga iyo badda ba ah , Somalia ayaad moodaa in ay soo yar baraarugtay oo ay awoodaheegii daleed ka shaqeysiisay ka dib markii ay mudo 30 sanadood ah ka maqnayd saaxada siyaasadeed ee gobolka geeska Africa .

Arimahani waxa ay sababeen in aanay wadamo badani sidii hore ee ay isaga soo farogalin jireen ay wax iska badeleen taasi oo sababtay colaado siyaasadeed oo heer adag ah oo in xidhiidhada la kala qaato ah gaadhay , wallow hada la dhex-dhexaadiyey Kenya iyo Somalia hadana wali xidhiidhku sidii hore maaha , sidoo kale Djibouti iyo dalka Somalia iskuma fiicna.

Xulafooyinka waxa kaalin mug leh oo ka ciyaaraya Somaliland oo ay aad u kala fogaadeen xukuumada hada wakhtigeedii dhamaaday ee ka talisa Somalia iyo Djibouti oo u aragta in xukuumadaasi ku wacad furtay oo tacab badan oo ay galisay Somalia laga abaal ka dhacay isla markaana la soo taageeray waddan iyo dawlad ay Djibouti is hayaan .

Gobolka oo ay doorashooyin ka jiraan dhamaantii marka laga reebo Erateria iyo Djibouti oo madaxweynahoogu dib isku cumaamaday lama garan karo wax soo bixi doona , Somalia waxa taagan khilaafka qaabkii ay u dhici lahayd doorasho iyo cidii maamuli lahayd doorashada oo la isku mari laayahay mudo 9 bilood ku dhow , walina laguma heshiin.

Ethiopia waxa ay u diyaar garowday in ay doorasho gasho 2021 , doorashadaasi ilaa hadda lama garan karo nooca ay noqon doonto laakiin waxa ay u muuqataa in aanay waxba kaga duwanayn doorashooyinkii TPLF qaban jireen ee xisbiyada EPRDF aqlabiyada heli jireen marwalba mucaaridkana dhakada lagaga taagnaan jirey.

Somaliland waxa sanadka 2022 ee soo socda la isku diyaarinayaa doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo doorashooyinkii ururada iyo axsaabta siyaasada maadaama mudadii ka dhamaatay sadexda xisbi qaran ee Kulmiye , Ucid iyo Waddani oo ay kaga eeg tahay 2022 , lama saadaalin karo wax ka soo bixi doona doorashooyinkani xili ay Somaliland u baahan tahay is badel mug leh na waa lagu jiraa.

Kenya waxa ay doorashada galeysaa sanadka 2022 dhawaana waxa wax laga bad-badalay dastuurka dalka Kenya , kaasi oo loo arkay in xiligani wax looga badelayo dano siyaasadeed oo ku qotoma xulafooyin abuurmi doona doorashada soo socota , madaxweynaha hada jooga waxa ka dhamaatay mudo xileedkii sharcigu ogolaa waxaana loo aaneynayaa in uu salaxanayo raisal wasaare awood leh in uu dalkaasi ka noqdo mustaqbalka dhow.

Isku soo wada xoori doorashooyinka iyo dagaalada siyaasadeed ee xulafooyinka ahi waa qaar saameyn isku leh oo xukuumadina ma ogola xukuumada ku lidka ahi in ay soo baxdo , waana halka isha lagu hayo ee la eegayo bal sida ay wax noqdaan , meelaha aad loo danaynayaa waa wadamada Ethiopia , Somaliland , Somalia iyo Kenya cida talada ku soo bixi doonta .

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Image

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this