Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxyaabaha laga filan karo Doorashada Itoobiya 

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxyaabaha laga filan karo Doorashada Itoobiya

Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay diyaargarowga doorashada ee guddiga looga baahnaa qaarkood inuu dhammeystiray balse deegaannada qaarkood ay kaalintooda ka gaabiyeen.

Sida uu dhigayey jadwalka doorashada ee guddiga u yaallay bartamaha bishan waxay ahayd in la billaabo furitaanka xafiisyada guddiga doorashooyinka ee deegaannada iyo iney billawdaan tababarrada doorashada la xiriira.

Hase yeeshee, wuxuu guddigu sheegay howlihi loo igmaday inuu qabtay balse taageeradi loo baahnaa uu ka helin ismaamullada ka jira dalka Itoobiya.

Wuxuuna guddigu war qoraal ah uu soo saaray uu ku sheegay inaan shan deegaan weli laga furin xafiisyadii howlaha doorashooyinka ka shaqeyn lahaa.

Deegaannadaasi oo kala ah Soomaalida, Amxaarada, Cafarta, Sidaama iyo Shucuubta Koonfureed, wuxuu guddigu ku amray 20 maalmood gudahood iney deegaannadaasi howlaha looga fadhiyo ay ku soo dhammeystiraan.

Birtukaan Mideqsa
Guddoomiyaha guddiga doorashada Itoobiya Birtukaan Mideqsa

Wuxuuna guddigu sheegay Deegaannada Oromada, Benishaangul, Hararida iyo ismaamullada magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba iney xafiisyadii doorashooyinka ay fureen guddigana ay ku soo wargeliyeen.

Guddiga waxaa kale uu sheegay ilaa iyo hadda inuu xushay in ka badan 24 uruurrada bulshada oo bixinaya tababarrada la xidhidha doorashooyinka waraaqihi aqoondsiga uu siiyey.

Qaar ka mid ah qalabka loo diyaariyey cod bixinta doorashada Itoobiya

Guddoomiyaha guddiga doorashada Itoobiya Birtukaan Mideqsa waxay sheegtay doorashada sanadkan lagu wado iney ka dhacdo dalka Itoobiya in lagu casuumay oo ay goob joogayaal ka noqon doonaan xubno caalamka ka kala socdo.

Guddiga wuxuu intaasi ku daray bartamaha sanadkan 2021-ka la filayo iney Itoobiya ka dhacdo in la filayo dad ka badan 50 malyan iney codkooda ka dhiibtaan.

Cod bixinta doorashadana waxay ka dhici doontaa 50,900 oo goob doorashada halka ay fuliyeyaasha howlaha doorashada oo ay tiradooda kor u dhaafeysp 152,700 ay ka qayb qaadanayaan.

Deegaanka Tigraay

Dowlad Deegaanka Tigraay oo ay dagaalladu ka socdaanna wuxuu guddigu sheegay iney sanadkan doorasha ka dhaceyn oo ay doorashada deegaankaasi dib u dhaceyso, xilliga ay dhaceysana iyada oo xaaladda amni ee deegaankaasi la qiyaameynayo dib laga soo sheegi doono.

Siyaasiyiinta Xiran

Xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalkaasi Itoobiya oo uu ka mid yahay xisbiga ESDP wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay doorashada sanadkan iney noqon doonto mid ka hufan kuwi dalka Itoobiya horay uga soo dhici jiray.

Guddoomiyaha ESDP Dr Beyene Petros wuxuu sheegay iney weli taagan yihiin su’aalo jawaab u baahan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinya caanka ah ee xabsiyada dowladda ku jira xaaladdooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Dr Gediyon oo cabshada xisbiyada mucaaradka ka jawaabayna wuxuu sheegay siyaasiyiinta xiran iney yihiin kuwo dalka dambiyo ka galay sharcigana uu haysto balse dalka sida uu isbeddelka uga dhacay ay xisbiyada mucaaradka ahaa ee dowladda dagaalka kula jiray sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ay nabad qaateen si xor ahna loollanka siyaasadda ee dalka ay uga qayb qaadanayaan.

Jawar Mohamed iyo Baqale Garbaa

Siyaasiyiinta caanka ah ee u xiran dowladda Itoobiya waxaa ka mid ah Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa oo dhammaantood kasoo jeeda qowmiyadda Oromada

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this