Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Imtixaanka Shahaadiga ah oo saaka loo fariisanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe, ayaa saaka oo Sabti ah ka bilaabanaya dhammaan Gobollada Puntland.

Imtixaanka waxa sannadkan u fariisanaya in ka badan 17,730 arday, kuwaas oo isu’gu jira fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare.

Fasalka Form Four-ka waxa sannadkan u fariisanaya ilaa 5,708 oo arday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta waaxda imtixaanaadka shahaadiga ah ee wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale, Fasalka 8-aadka ee dugsiyada dhexe waxa u fariisanaya arday gaaraya 12,000 kun oo arday.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Imtixaanka Shahaadiga ah oo saaka loo fariisanayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this