Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed dalka Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   
3-6.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalka, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Sidookale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Uganda Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa u mahadceliyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed dalka Uganda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this