Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
Antonio-Guterres.jpg?resize=1000%2C667&s

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay in Xoghaye Mr Guterres, uu soo dhoweeyay doorka dowladda Qatar ka ciyaartay dhex-dhexaadinta ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Xoghayaha Qaramada Midoobay uu ku raja weyn yahay in go’aanka labada dal ku soo celiyeen xiriirkooda uu horseedi doono xaqiijinta cilaaqaad ku dhisan isjacayl iyo saaxiibnimo.

Sidoo kale, wuxu xusay in soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu mudnaan gaar ah u leeyahay xasiloonida iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this