Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taaggan Soomaaliya ku sheegtay in ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo xasillooni darro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda hadda taaggan.

Xukumadda Somaliland waxay ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo kalitalisnimo iyo in aanu dhawran xuquuqda Aadamaha, waxaanay bulshada Muqdisho ugu baaqeen in ay amniga iyo xasilloonida ku dadaalan. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in reer Muqdisho wajahayaan caqabad ah dhibta Alshabaab iyo Culayska Kalitalisnimada Farmaajo.

Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad ciidan u korodho Soomaaliya wakhtigan.

173526930_10157384854947493_384852736169

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this