Deeq A. Posted April 14, 2021 (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taaggan Soomaaliya ku sheegtay in ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo xasillooni darro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda hadda taaggan. Xukumadda Somaliland waxay ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo kalitalisnimo iyo in aanu dhawran xuquuqda Aadamaha, waxaanay bulshada Muqdisho ugu baaqeen in ay amniga iyo xasilloonida ku dadaalan. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in reer Muqdisho wajahayaan caqabad ah dhibta Alshabaab iyo Culayska Kalitalisnimada Farmaajo. Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad ciidan u korodho Soomaaliya wakhtigan. Source Share this post Link to post Share on other sites