Sign in to follow this  
Deeq A.

Caasimadda Garoowe oo laga daah-furay mashruuc dhirayn ah

Recommended Posts

Deeq A.   
dhirayn.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa maanta si rasmiya u daah-furtay mashruuc ku saabsan dhiraynta iyo cagaarinta magaalada.

Barnaamijkan oo la baxay cagaarinta caasimadda, waxa iska kaashanaya dowladda hoose iyo shacabka Garoowe, waxaana daah-furay duqa degmada Axmed Siciid Muuse oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale.

Xubno ka tirsan ururka dhalinyarada Gobolka Nugaal,oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta barnaamijkan ayaa sidoo kale goob-joog ahaa munaasabadda.

Mashruuca oo ku jihaysan hagaajinta bilicda caasimadda, ayaa la doonayaa in laga fuliyo dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Caasimadda Garoowe oo laga daah-furay mashruuc dhirayn ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this