Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo xiray nin lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Dalka Turkiga ayaa sheegay in howlgallo laga sameeyay Magaalada Ankara lagu soo qabtay shaqsi lagu tuhmay in uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shaqsigan la tuhmay oo heysta dhalashada Dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa lagu qabtay howlgallo ay si wadajir ah u sameeyeen Booliska iyo Sirdoonka Dalka Turkiga.

Wakaalada Wararka ee Anadolu oo soo xiganeysa Saraakiil Amni ayaa baahisay in magaca tuhmanaha lagu soo koobay A.B. inkastoo Booliska lagu wargeliyay soo qabashada ninkan lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Amaanka ayaa sidoo kale xusay in ninkan uu ka soo howlgalay Dalka Kenya oo weeraro dhowr ah ay ka fuliyeen Ururka Al Shabaab.

Booliska iyo Sirdoonka Turkiga ayaa baaritaano ku bilaabay shaqsiga lagu qabay Magaalada Ankara.

Hay’addaha Amaanka Turkiga ayaa aaminsan in eedeysanaha uu qeyb ka ahaa weeraro dhiig ku daatay oo  Al Shabaab ay ka geysteen gudaha Dalka Kenya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this