Deeq A. Posted February 24, 2021 Ugu yaraan saddex Ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii xalay laba gaari isku dhacday duleedka bari ee magaalada Garoowe. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland, ayaa xaqiijiyay in shilkaas uu ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka dhanka bari ee caasimadda Garoowe. Sidoo kale waxay saraakiishu sheegeen in ay isku dhaceen laba gaari oo midkood ISKA-ROGO ahaa, halka kan labaad uu ahaa nooca loo yaqaan Brobox. Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay weli baaritaan ku hayaan sababta keentay shilka, islamarkaana dib ka faahfaahin doonaan. Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey Puntland, waxaana inta badan sababa gaadiidka xawaaraha saa’idka ah ku socda iyo burburka jidadka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites