Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Rabbi ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaaska ayaa ku geeriyooday Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in maalmihii u danbeeyey uu haleelay xanuunka COVID-19 oo hadda faro ba’an ku haya dalka Soomaaliya.

Ugaas Xassan ayaa ka soo jeeda guri dhaqan oo facweyn waxaana la sheegaa in uu ahaa Ugaaskii 20aad, waxa uu xilka kala wareegay walaalkiis Ugaas Cabdiraxmaan oo ku geeriyoodey Beledweyne. Ugaas Xassan ayaa xilka hayey muddo 5 sanno ah, waxaana si rasmi ah loo caleema saarey bishii Julay 2016.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa lagu xusuustaa go’aanadii adkaa ee uu qaadan jirey, markii uu dalabanaayey in gobolka Hiiraan loo qaybiyo labo gobol, ka hor dhismaha maamul goboleedka Hirshaballe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this