Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey go’aankii DF ee maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo hadda ku magacaaban xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka fal-celiyey shirkii jaraa’id ee maanta wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey uu ku shaaciyey in dowladdu aysan ogolaa doonin in ‘banaanbax uu ka dhaco magaalada Muqdisho.’

Waxa uu sheegay in Xasan Xundubey ay is garanayeen mudo ku dhaw 30-sano, isla markaana uu ku yaqaanay inuu yahay nin go’aan leh, balse hadda uu is bedelay, isagoo sheegay in dhibkii ka dhasha amarkii uu bixiyey maanta uu dushiisa yahay.

Qoraalka uu Cabdiraxmaan Odawaa ugu jawaabay wasiir Xundubey ayaa ku bilaawday “Maanta waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay. Sida aan wada ognahay dastuurka  waxaa wax looga badali karaa in saddax meelood labo barlamaanka Soomaliyeed ay ogolaadaan.”

“Xundubeey waxaan saxiibo nahay muddo 29 sano ah, sidaa si la mid ah isaga iyo Madaxweyne Sh Shariif (gudoomiyaha Midowga murashaxiinta) muddo intaa ka badan ayay is yaqaanaan.Mudadaasi Waxaan ku aqaanay nin mabda’u hago, aaminsan saraynta sharciga iyo nidaam ay asaas u tahay dhawrista xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka, waxa badalay koleey anigu ma garan isaguse waa og yahay,” ayuu yiri.

Qoraalka Odawaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaanse leeyahay  saaxiib la tasho damiirkaada koleey sidaas si ka gadisan ayuu ku farayaaye. Waxaadna ogaataa adiga iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday midna xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay ma  diidi karo.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Odawaa waxuu qoraalkiisa ku yiri, “Hadalka maanta uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay  ciidamada Booliska iyo Nabad sugiddu dhaqan galiyaan dhibka  ka dhashaa cidda masuulka ka ah waa Xundubeey. Waxaana  xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne  waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn  mid u cuntanta.”

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya aan lagu qaban karin magaalada Muqdisho.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa. Isku soo bax lama ogolaa doono, qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo, caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey” ayuu maanta yiri wasiir Xundubey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this