Deeq A. Posted February 21, 2021 Allah ha u naxariisto waxaa isbitaalka Martiini Cudurka Covid-19 ugu geeriyootay Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Hobolada Qaranka Waabari. Faadumo Cali Nakruuma ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2018kii, dalka dib ugu laabatay,maadama ay qurbaha ku nooleyd tan iyo markii dagaallada sookeeye ay Xamar ka billowdeen sanadkii1991-kii. Nakruuma waxay fanka Soomaalida ku biirtay bartamihii lixdanaadkii, waxayna muddooyinkii dambe ka mid ahayd Haweenka nabadda u ololeeya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites