Deeq A. Posted February 15, 2021 Wadamo dhowr ah oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey dilka 13 ruux oo u dhashay dalka Turkiga oo dhowaan lagu dilay waqooyiga dalka Ciraaq. Dadkaasi oo la sheegay in hore loo afduubay ayaa waxaa dilay dagaalyahano ka tirsan jabhadda hubeysan ee PKK oo dagaal kula jirta dowladda Turkiga. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyey dhimashada dadkaasi oo dhamaantood aan waxba galabsan. Mr. Cabdulqaadir ayaa intaasi ku daray in murugada uu la qaybsanayo walaalaha Turkiga, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mar-walba garab taagan tahay dowladda Turkiga. Turkiga ayaa dhawaan shaaciyey dilka 13 muwaadin oo looga dilay waqooyiga wadanka Ciraaq, iyaga oo sheegay in ay soo gaba-gabeeyeen howl-gallo ka dhan ahaa PKK. View the full article Share this post Link to post Share on other sites