Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Senatar Maxamed Yuusuf

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya, Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.”

Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this