Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo shaacisay magacyada Qareennada difaacaya Badda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magacyada Qareennada difaacaya Kiiska Badda Soomaaliya ee horyaalla Maxkamadda ICJ.

War Qoraal ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn Qareennada difaacaya Kiiska Badda Soomaaliya oo sida qorshaysan la dhegaysan doono 15-19 bisha Maarso 2021.

Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda Baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021. “

Qoraalka waxa lagu xusay in Kiiska ay difaacayaan Saddex Qareen oo kala ah Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet.

“Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet.”

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka oo shaacisay magacyada Qareennada difaacaya Badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this