Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News—Madaxweynaha Xilkiisa lagu muransanyahay oo ogolaadey Shirka Muqdisho, Yaa ku khasbay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Beesha Caalamka ayaa ku cadaadisay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu ka qaybgalo ogolaadaan Shirka Muqdisho ee Madaxweyne Deni ku baaqay.

Xubno ka socda Beesha Caalamka oo Ingiriisku u horeeyaan ayaa ku adkeystay muhiimsan uu leeyahay Shirka Muqdisho ee Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni uu soo jeediyay inay kasoo qaybgalayaan dhamaan Saamilayda Soyaasada.

Cadaadiska la saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid kadib markii ay Madaxweynaha Puntland iyo Beesha Caalamku ay dhowr jeer teleefoon ku wada hadleen uuna soo istaagtay Madaxweyne Deni inuusan Shir la qaadanaya Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulada kale oo qura sababtoo uu ku sheegay in Lixdii bil ee lasoo dhaafay shir walba oo la yeesho uu Madaxweyne Farmaajo Caqabad ku ahaa waxwalba oo lagu heshiiyo, isagoo taas ku darsadey inuu ka been sheego heshiis walba,

Raga ugu Tunka weyn Musharixiinta ayaa iyana Beesha Caalamka u sheegay hadalo taageeray eedeyntii Madaxweyne Deni , waxayna intaas raaciyeen in Madaxweyne Farmaajo Uu Caqabad ku yahay in Dalka Doorasho ka dhacdo.

Arimahaan ayaa keenay in Beesha Caalamku ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyaan inuu aqbalo Shirka Muqdisho, wuuna aqbalay.

Siyaasiyiin Ruugcadaa ah ayaa Puntlandi.com u sheegay in Maalmaha Soo socda uu Madaxweyne Farmaajo sidii Caadada u ahayd uu ku dhawaaqo Shirka Muqdisho, uuna Shacabka uga dhigo shir uu isagu iclaamiyey.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Breaking News—Madaxweynaha Xilkiisa lagu muransanyahay oo ogolaadey Shirka Muqdisho, Yaa ku khasbay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this