Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo faah faahisay diyaarad uga burburtay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war ka soo saaray diyaarad nuuca qumaatiga ah ee loo yaqaan Helicoptarka oo ku  dhacday gobolka Sh/Hoose.

Qoraal ah ka soo baxay howl-galka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaasi ay soo dhacday Jimcihii la soo dhaafay, kadib markii ay ka kacday garoonka balidoogle.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in la badbaadiyey afar askari oo diyaaradda saarnaa isla markaana xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay socdaan baaritaan ku aadan sababta keentay shilkaasi diyaaradeed.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo kumanaan askari oo nabad ilaalin ah oo isugu jiro milateri iyo booliis kuwaas oo yimid sannadkii 2007-dii.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this