Deeq A. Posted February 3, 2021 Magaalada Samareeb waxaa maanta oo arbaco ah ka furmay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo horay ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka oo uu guddoominayo madaxweynaha JFS ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen,Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish. Madaxda ayaa inta uu shirka socdo isla gorfeeynaya dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaadayo hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorasho lagu heshiiyey ayaa 30-ka bishii Janaayo shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites