Deeq A. Posted February 1, 2021 Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah caawa lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb, oo marti-gelineysa shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada. Goobjoogeyaal ku sugan magaalada ayaa sheegay inay magaalada kusoo dhaceen illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay. Magaalada ayaa waxaa ku sugan madaxweeyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, iyo madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo ka qeyb-galaya shirka berri furmaya ee looga hadlayo muranka doorashada. Illaa iyo hadda lama sheegin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay aagga madaxtooyada Dhuusomareeb iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda, hase yeeshee waxaa la sheegay inay cabsi xooggan ka jirto, kadib markii si xooggan looga maqlay jugta madaafiicda. Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada. Share this post Link to post Share on other sites