Sign in to follow this  
Polanyi

The word Somali should be abolished

Recommended Posts

Ismalura   

How about changing what is wrong with us....magaca maxuu galbsaday?

 

I am never ashamed of saying that I am Somali event hough I not exactly proud of what we are today. We will have better days inshaAlah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Chimera:

Somaali baan ahay!!!!

 

You don't see the Chinese asking for their name to abolished just because there are triads shipping women and children in containers for sexual exploitation.

 

This would be the coward's way out. There will be a time when things are better, and we will rightfully reclaim this name and promote it globally in a positive light.

Ha ha ha... Usheeg walaaley! Soomaalinimadu waa waxa aanu u dhimaneyno... :D

 

Soomaali Baan ahay.

In Kastoo sabool ahay

Sacabada ma hoorsado

Sad bursigana ma ogoli

Sumcadaan ilaashaa

Sariigtaan ka xigayaa

Soomaali baan ahay

 

Muslin soocan baa nahay

Salaadaanu oognaa

Sakadaanu bixinaa

Sunadii Rasuul kaan

Sahal aan u fulinaa

Soomaali baan ahay

 

Sidig teyda Maandeeq

Yaan sama ku maalaa

Nin isiray, wax kama sugo

Nin isigay, war kii daa

Soomaali baan ahay

 

Sumal baanu qalanaa

Lo'da sararta weyn baan

Soof keeda raacnaa

Subagana ka lulanaa

Soomaali baan ahay

 

Hadal koo la saafiyo

Sarbeeb tii murtida iyo

Suugaantiyo dhaqan kaan

Uunka ugu sareenaa

Soomaali baan ahay

 

Isticmaar silsilad iyo

Seeto iguma xiro

Sanduleynta ma ogoli

Sirteydaan ilaashaa

Soomaali baan ahay

 

Gumeysiga ma saacido

Sandareerto ma ogoli

Xornimadaan sal iyo baar

Sacabada u tumayaa

Soomaali baan ahay

 

Afrikadan saboolka ah

Isticmaar silcinayana

Cidna uma sujuudoo

Santaag baan ku noolahay

Soomaali baan ahay

 

Sarsarkiyo duleedkiyo

Soohdintaanu leenahay

Cidi kuma safaadoo

Soofkeyga kii dhaca

Sun ayaan u qooshaa

Soomaali baan ahay

 

Xiliyada socdee jira

Saadaasha guudnimo

Saxalkiyo Mariiqiyo

Samadaan ka eegaa

Soomaali baan ahay

 

Saqda dhexe Aleelkii

Yaan socdaalayaayoo

Sahan baan u bixi

Socodku ima dhibo

Soomaali baan ahay

 

Sulub caanaheedaan

Ku Shubtaa sibraar koo

Ubaan garabka suran

Hilib solay ah baan

Sahay aan ka dhigan

Soomaali baan ahay

 

Abaar sooganoo

Seyn mareebta baan

Sahal aan u mari

Ceelkii Sasabanaan

Sagaal beri u dhixi

Soomaali baan ahay

 

Sariir teydu waa sadaq

Sadkaan cunayo waa soor

Sadaqadaynu dhiibnaa

Marti deynu soornaa

Soomaali baan ahay

 

Wabiyada sunsumayana

Sarac baan ku beernaa

Sabuul kii galeydiyo

Sinsintiyo Qudaartiyo

So'iyo Caano way dhaqan

Soomaali baan ahay

 

Saafidii haweenkana

Sagal baan u bixinaa

Ragga Samatar iyo

Saahid iyo Qamaan baan

Magac aan u siinaa

Soomaali baan ahay

 

Sinaan taanu jecel nahay

Marna kala sareentiyo

Siyaasada Gumeeysiga

Midab sooca ma ogoli

Soomaali baan ahay

 

Saajac nimadu waw dhalad

Sinji waxaan u leeyahay

Markii saro colaadeed

Soorka qoriga la is daro

Siba uma maqnaado

Libitaan sal gaaraa

Soomaali baan ahay

 

...bal halkaas kasii wada! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

The troller is in it again, his very poor imitation of Muriidi never working.

lol, as i said to you before, you are one of the `worst moderators ever. you continously launch personal attacks against users and side with one over the other. please do your job properly and brush your teeth too.

 

 

ps. i don't believe the word somali should be purged. this thread was a sarcastic response to other other threads philosophising over every crime commited by a somali, as if somalis are special.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this