Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii Hotelka Afrik oo la soo afjaray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16121244865303024.jpg?resize=720%

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik ee ku yaalla wadada KM4 ee magaaladda Muqdisho, kaas oo socday muddo ka badan 8 saacadood.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la halday goordhaweyd ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen inta la ogyahay 9 ruux oo ay ku jiraan 3 kamid ah raggii weerarka soo qaaday, sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof, wuxuuna xusay in khasaaruhu uu intaas ka badan karo.

Afhayeenka Booliska ayaa kooxdii weerarka soo qaaday ku sheegay 4 ruux oo kamid ah albaabka hotelka gaari ku qarxiyay, halka 3-da kale oo gudaha ka dagaalamay markii dambe la toogtay.

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo mid ahaa saraakiishii sare ee Dowladdii Kacaanka iyo Cali Dhuux Maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa kamid ah dadka ku dhintay weerarka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyay weerarka Hotelka Afrik, waxayna tacsi ka direen geerida Gen. Galaal iyo dadkii kale ee ku dhintay weerarka.

Ururka Al-shabaab ayaa marsii horeysay sheegtay mas’uuliyadda weerarka hotel Afrik.

PUNTLAND POST

The post Weerarkii Hotelka Afrik oo la soo afjaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this