Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa & weerarka Hotel Afrik

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari iyo weerar toos ah oo lagu qaaday hoteelka Afrik oo ku yaalla wadada aada garoonka Aadan Cadde.

Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa iyo haatan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka, islamarkaana uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen saraakiil ciidan iyo ganacsato, waxaana dadkaasi ka mid ah Generaal Indhacade, Labo Afle, Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka la weeraray ee Afrika iyo odayaal uu shir uga socday halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaacisay in dagaalyahano ka tirsan kuweeda ay weli ka dhex-dagaalamayaan hoteelka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana hotelka isku geedaamay ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this