Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo war ka soo saaray Qaraxa Muqdisho magacyada dad laga soo badbaadiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qarax ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo lagu weeraray Hoteelka lagu magacaabo AFRIKA oo ku yaal Isgoyska Lambar4 ee Muqdisho.

Al-shabaab waxay sheegteen in ay weerar ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen Hoteel AFRIKA islamarkaana gudaha Hoteelka uu haatan ka socdo dagaalku balse faahfaahin kama bixin khasaaraha weerarkaas.

Dhinaca kale Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijyay in ay gudaha Hoteelka ka soo badbaadiyeen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Dadka la soo badbaadiyay waxa ku jira Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde iyo Mulkiilaha Hoteel AFRIKA Xuseen Goley.

Sidoo kale weli waxa socda Rasaas ka dhacaysa gudaha Hoteelka lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo war ka soo saaray Qaraxa Muqdisho magacyada dad laga soo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this