Deeq A. Posted January 31, 2021 Dowlad goboleedka Jubbaland oo war ka soo saartay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dhuusamareeb ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso shirkaasi. Wasiirka warfaafinta maamulkaasi, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay ka qeyb-galeyso shirkaasi oo looga wada-hadlayo doorashooyinka. “Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaliyeed ee Jubbaland oo la hadlay BBC-da. Shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya oo dhacaya 1-da illaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan ayaa la filayaa in xal mideysan looga gaaro doorashooyinka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites