Deeq A. Posted January 30, 2021 Xarunta Villa Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka & saaxibada beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka iyo doorashooyinka, iyadoona uu goobjoog yahay madaxweynaha Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa dadaal xoog leh ku bixineyso sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo xubnaha mucaaraadka ah. Arrimahaan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo dib u dhac ku yimid shirweynihii ay ku baaqeen Jubbaland iyo Puntland oo iyaguna diidan hanaanka doorashada 2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites