Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax lagu taageerayey MW Farmaajo oo ka dhacay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen dadka deegaanka, kaas oo sidoo kale ay qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle.

Dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii uu madaxweynaha ku saxiixay 13-ka kursi ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in faraxsan yahay tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Horey madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa u soo dhoweeyey ansixinta metalaadda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this