Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyey hindise sharciyeed cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland, ayaa fasax kooban kadib maanta oo Sabtiya dib u bilaabay Kalfadhigooda 47-aad oo soo bilowday 25-kii October 2020.

Kalfadhiga 47-aad Fadhigiisa 24-aad, oo maanta qabsoomay waxa xildhibaannada loogu qaybiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, oo uu Golaha u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Hindise-sharciyeedkan, oo muhiim u ah hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Puntland, waxa soo diyaariyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this