Deeq A. Posted January 29, 2021 (SLT-Hong Kong)-Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in maamulka Taiwan haduu ku dhawaaqo madax-banaani rasmi ah ay la micno noqon doonto ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah Shiinaha ayna tilaabo ka qaadi doonaan millatarigooda. Taiwan oo ah ismaamul gaar ah balse Shiinaha ay weli u aqoonsan tahay jasiiradaasi qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha, magaca maamulka Taiwan ee rasmiga ah ayaa weli ah Republic of China, waxaana aasaasay maamulka Taiwan siyaasiyiintii ka baxsaday maamulkii shuuciga ahaa ee la wareegay dowlada China wax yar kadib dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunnida. Millatariga Shiinaha waxa ay diyaar u yihiin inay jawaab cad ka bixiyaan daan daansiga iyo farogelinta shisheeye…. Madax-banaanida Taiwan ku dhawaaqdo ama aqoonsi lasiiyo waxay lamid noqon doontaa dagaal millatari oo lagu soo qaaday waddanka Shiinaha, Ciidammada Taiwan ee doonaya inay dab ku ciyaaraan iyaga ayaa ku guban doona….” Shiinaha ayaa dar dar gelisay dhaq dhaqaaqa millatari oo ay ka wado biyaha jasiirada Taiwan oo ay maalmihii lasoo dhaafay u direysay maraakiib dagaal iyo diyaaradaha wax duqeeya, arrintan oo ay walaac ka muujisay dowlada Maraykanka oo xulafo la ah maamulka dimuquraadiga ah ee ka jira Taiwan. Hadalada kasoo baxay Shiinaha ayaa lagu soo beegay xili Maraykanka uu Taiwan usoo diray maraakiibta dagaalka oo tababaro iyo dhoolatus la sameyn doona ciidamada Taiwan. Source Share this post Link to post Share on other sites