Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Maxaa looga hadlay kulankii wasiirada A/dibedda Soomaaliya iyo Ethiopia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arrimaha bibadda dalkaas, Demeke Mekonne iyo dhigiisa Soomaaliya ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinaca u dhaxeeya.

Sidoo kale waxa kulankaas diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga Itoobiya iyo Soomaaliya, iyada oo la dar-dar gelinayo isfahanada iyo habmaamusyadii ay labada dhinac hore ugu heshiiyeen.

Labada mas’uul ayaa waxa kale oo ay isla falanqeeyeen arrimaha gobolka ka taagan ee danta guud ah iyo kuwa dunida inteeda kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa saaxiib dhow u ah Itoobiya oo xiligan waiahaysa qalaalase siyaasadeed oo gudaheeda, iyada oo mid kaas lamid ahna uu ka taagan yahay gudaha dalka.
143482317_2874638322781711_3386966444681 144382595_2874638376115039_6697648353650 144013642_2874638432781700_4587209778609 144065254_2874638482781695_2171850282093 143482317_2874638322781711_3386966444681

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this