Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
kow.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa shalay gelinkii dambe oo Khamiis ahayd kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul waxa la sheegay in ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerka iskuduwid oo dhinac kastaba leh iyo hore u dhaqaajintiisa si salballaaran iyadoo la taabagelinayo isfahannada iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Intii kulanku socday ayaa waxaa labada wasiir ay isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka ka taaggan iyo dunida inteeda kale.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this