Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo markale si adag uga hadashay go’aankii Ururka IGAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale eedeyn dusha uga tuurtay guddiga dhexdhexaadinta IGAD iyadoo ku tilmaantay in guddigaas uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn.

War ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

“Guddiga intii ay ku guda jireen Howlahooda shaqo dhowr jeer lagu qaaday diyaaradaha Ciidanka Kenya, waxaana ay taas tahay mid galaan gal hoose uu u dhexeya guddiga iyo Kenya,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa lagu xusay in guddiga ay dhowr jeer booqdeen gudaha dalka Kenya ayna diideen inay booqdaan gudaha dalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this