Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo saaka xiran + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka  ayaa saakay xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon si halkaas uu ugu dhaco dibadbax uu abaabulkiisu leeyahay maamulka Gobolka Banaadir si taageero loogu muujiyo kuraasta Aqalka sare uu Madaxweyne Farmaajo u saxiixay Gobolkaan.

Gaadiidka ay isticmaalaan Booliiska ayaa lagu jaray qaar kamid ah waddooyinka, Gawaarida & Mootooyinka ayaa la celinayaa, waxaana dadka loo ogol yahay in ay lug ku maraan jidadkaan u xiran Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiin u badan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dibadbaxa ka qaybgalaya, waxaana intooda badan lagu wadaa in ay jeediyaan khudbado ay ku taageerayaan go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku saxiixay kuraastaan oo bilooyin kahor Baarlamaanka u codeeyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this