Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo lumisay kalsoonida ciidamada dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidamada KDF ee Kenya ay awood u leeyihiin inay taageeraan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda oo qoraal ay ku diiday warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee IGAD ay usoo direen xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa shaacisay go’aankan ka dhanka ah ciidanka Kenya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku eedeysay in dowladda Kenya ay joogitaankeeda Soomaaliya uga faa’iideysaneyso inay sare ugu sii qaaddo danaheeda qaran ee gaarka ah ee ay ka leedahay Somaaliya.

“Haddii aan si fudud u dhigno, ciidamada KDF ma taageeri karaan xasilloonida Soomaaliya ayaga oo dhanka kalena hurinaya xasillooni darrada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn cambaareysay “faro-gelinta tooska ah ee Kenya ay ku hayso Soomaaliya, ayada oo taageereysa maleeshiyo sharci-darro ah oo argagax gelinaya” shacabka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this