Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo banaanbax dhacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Banaanbax lagu taageerayo go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo uu ku ansixiyay in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho mataalada Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa loo xiray banaan baxyada, si dadweynaha loogu sahlo inay isugu soo baxaan goobo loo cayimay oo ah inay isugu yimaadaan, iyadoo amnigooda la sugayo.

Banaan baxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay la qaban qaabinayay, iyadoona la filayo inuu maanta ka dhaco Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya  ayaa la filayaa inay goobta ka jeeddiyaan khudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

13 Senator oo ah mataalada gobalka Banaadir ayaa waxaa shalay ansixiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this