Deeq A. Posted January 28, 2021 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Dhismaha xaruntan dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa qeyb ka ah qorshaha dowlad goboleedka Puntland ee Tayeyn iyo Tiigsi, oo lagu horumarinayo xarumaha Hay’addaha dowladda si loo balaariyo adeegyada Bulshada loo hayo. Munaasabadda ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Maamulka degmada Garoowe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowlad goboleedka Puntland. mada Garoowe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowlad goboleedka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites