Deeq A. Posted January 28, 2021 Wafdi ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Beledxaawo, iyaga oo sii maray degmada Doolow ee G/Gedo. Wasiirada tegay Beledxaawo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka cadaaladda, wasiirka gaanshaandhigga, wasiirka warfaafinta & saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka. Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen xaaladda Beledxaawo iyo khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay magaaladaasi. Cismaan Abuukar Dubbe wasiirka warfaafinta oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey inay booqdeen goobihii ay dagaalladu ka dhaceen, wuxuuna tilmaamay inay ka dhalatay dhibaato xoog leh oo ay geysteen maleeshiyaadka uu horkacayo Janan. Dhankisia wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay inay socoto baaris ku aadan dagaalkii ka dhacay Beledxaawo, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono, kuwii ka dambeeyey, si cadaaladda lo o horkeeno. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo iska difaacday dagaalkii lagu soo qaaday degmada Beledxaawo ayaa horey ugu eedeysay inay lug laheyd dowladda Kenya oo haatan xiisad aad u xoogan oo dhanka diblomaasiyadda ah ee kala dhexeyso Somalia. View the full article Share this post Link to post Share on other sites