Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil ka dhacay degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
1-21.jpg?resize=480%2C480&ssl=1

Wararka ka imaanaya degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in xalay lagu dilay degmadaasi mid ka mid ah gaadiidlayda ka shaqaysa Galmudug.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mohamed Ciise Mohamud (Korshan), waxaana uu ka mid ahaa Gaadiidleyda ka shaqaysa degaanada Maamulka Galmudug.

Dilka Marxuumka ayaa la xariira sida wararku sheegayaan aano qabiil, waxaana la sheegay in falkaasi dilKa ah uu la xariiro dilal  horay uga dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana dhammaan dilalkaasi ay ahayeen kuwo salka ku haya aanooyin Qabiil.

Degaanada Maamul Goboleedka Galmudug waxaa ku soo badanayay dilalka iyo afduubka ku salaysan qabiilka.

PUNTLAND POST

The post Dil ka dhacay degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this