Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News—Muran ka taagan in Xukuumada Soomaaliya ay Xiriirka i jarto Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay gacanta ku dhigeen ayaa sheegaya in qaar kamida lataliyayaasha Madaxweynaha Soomaaliya ay soo jeediyeen in Jabuuti Xiriirka loo jaro maadaama ay la safatay Kenya.

Kulan saaka ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa dhaliyey muran xoogan ka dib markii Lataliyayaasha Xukuumada ay laba ukala safteen, Qaar kamida Lataliyaasha ayaa kasoo horjeestay in Jabuuti Xiriirka loo jaro.

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa lagusoo waramayaa inuu qayb ka yahay kooxda doonaya in Jabuuti Xiriirka loo jaro, sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo wargal ah.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Gudi Xaqiiqda Randis ah waxay u direen Kenya iyo Soomaaliya si xal looga gaari Muranka u dhexeeya labada Dal, Gudiga ayaa shalay soo saaray warbixin ay ku sheegeen in aysan arag wax cadeyn ah oo cadeynaya in Kenya ay faragalin ku heyso Soomaaliya, Warbixintaas waxaa ka caroodey Xukuumada Soomaaliya, waxayna ku eedeeyeen Jabuuti inay ka dambeysay warbixintaan.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Breaking News—Muran ka taagan in Xukuumada Soomaaliya ay Xiriirka i jarto Jabuuti appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this