Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed Oo Markii Ugu Horreysay Qoraal Soo Dhigay Twitter-ka Kaddib Wararka La Xidhiidha Xaaladdiisa Caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay barta Twitter-ka xilli maalmihii u dambeeyay baraha bulshada dalkaas laisla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Abiy wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamulada Oromada iyo Soomaalida gaar ahaan tageerada ay u muujiyeen dowladda.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha maadama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada.

Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya wax ay ugu yeedhay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalkan kasoo baxay dowladda ayaa hadal heyn hor leh dhaliyay taas oo ku saabsan halka uu jiro Abiy Axmed.

Waxaa laisla dhexmarayay warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha gaar ahaan in dalka dibaddiisa loogu qaaday xaalad caafimaad darteed gaar ahaan dalka Talyaaniga

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this