Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya: Jabuuti waxay la safatay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16117335765352832.jpg?resize=720%

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gudigii IGAD ee loo saaray xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ay la safteen Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Jabuuti ay la safatay Kenya ayna Dowlada Soomaaliya raaligelin ka rabto Dowladda Jabuuti.

Wuxuu ku eedeeyay Guddiga IGAD in aysan dhexdhedaad ka noqon arrimaha labada dal iyo in ay qaateen warbixin hal dhinac u xaglinaysa.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay in Soomaaliya leedahay cadow faro badan oo doonaya in uu dumiyo rajada iyo dawladnimada u soo bidhaantay.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya: Jabuuti waxay la safatay Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this