Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiisyadii Ururka ONLF Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge Cadaani  ayaa sheegay in la xidhay inta badan xafiisyadii Ururka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya isaga oo sheegay in ayna ogeyn sababta arintaa la xidhiidha.

Wuxuu sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay ololahan ka dhanka ah xafiisyada Ururka laga waday deegaannada Ismaamulka Soomaalida, iyadoo albaabada  leysugu dhuftay inta badan xarumihii ONLF ee deegaanka.

“Sabab nalooma sheegin laakiin waxaan u arkeynaa in arin ku iska yahay oo kaliya awood sheegad, annaga laakiin qorshaheena waa in aan si xor ah u dhaqdhaqaaqno” ayuu yidhi Hirmooge.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan ururka oo ay tuhusan yihiin in ay arrintan ku lug leeyahay oo ay si dadban dowladda ugu xidhan yihiin, laakiin waxaa uu sheegay in khilaafka arrintan ku saabsan lagu dhax xalin doono isla Ururka dhaxdiisa.

Hirmooga ayaa ugu dambeyntii sheegay in markii horeba ay go’aan ku qaateen in halgankooda u wareejiyaan qalinka, islamarkaana ku dagaalami doonaan sidii ay ugu guulleysan lahaayeen doorashooyinka soo socda.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka dowlad deegaanka Soomaalida oo la xidhiidha xafiisyadan la sheegay in la xidhay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this