Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudigu Muxuu Ka Filayaa Madaxweyne Joe Biden?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Wasiiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyada ay niyad wanaagsan ka qabto inay xidhiidh aad u wanaagsan la yeelan doonto maamulka madaxweyne Joe Biden, ayna sii wadi doonto inay Washington kala hadasho heshiiska barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

“Si wanaagsan ayaan wax u eegayaa. Sacuudi Carabiya waxay dhistay xidhiidh adag oo taariikhi ah oo ay kula shaqeysay maamulo kala duwan. Waana lasii wadi doonnaa middaas maamulka madaxweyne Biden,” ayuu yidhi Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi siiyey taleefishinka Arabiya TV.

Biden ayaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada waxa uu ballan-qaaday inuu dib u eegi doono xidhiidhka Sacuudiga, oo ah dal uu sannadii 2019-kii ku qeexay “gooni u socod”.

Biden waxa uu sheegay inuu mowqif adag ka qaadan doono diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga, iyo dagaalka burburka badan sababay ee dalka Yemen.

Amiiir Faisal waxa uu sheegay in Riyadh ay sii wadi doonto inay Washington kala tashato heshiiska Nukliyeerka Iran. Mareykanka ayaa heshiiskaas oo la saxeexay 2015 ka baxay 2018.

“Waxaan aaminsannahay in wada-tashiyada ay ku qotomi doonaan in la gaadho heshiis xooggan oo adag, kaasi oo ay qeyb ka tahay guul-darrada Iran ee ah inay u hoggaansato heshiiska,” ayuu yidhi Amiir Faisal.

Biden ayaa hore u sheegay in haddii Tehran ay dib u billowday inay si buuxda ugu hoggaansato heshiiska, ay Washington iyana sidaas oo kale sameyn doonto.

REUTERS

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this