Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa xilligan kusoo beegay go’aanka uu Beyle ku fasaxay Jaadka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli ay ka sii dareyso xiisadda u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa wasiirka maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wuxuu shaaciyey in dib loo fasaxay Qaadka, hadalkaas oo lama filaan ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed, kuna soo aaday, xilli xasaasi ah oo ay dowladda federaalka ku eedeyso Kenya inay soo abaabushay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiir Beyle ayaa caddeeyey in aysan jirin cid uu u xiran yahay Qaadka, islamarkaana meel weliba oo ka mid ah dalka laga soo-gelin karo.

Bayle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sabab yaab leh oo ku aadan keenista, wuxuuna tilmaamay inuu ka mid yahay waxyaabaha faraha badan ee ay quutaan dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ka hor imaanayaa go’aankii dowladda federaalka oo horey xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay xukuumadda Nairobi, wuxuuna wasiir Beyle u muuqdaa mid iska indha-tiraya xaqiiqada jirta iyo go’aamada masiiriga ah ee ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si ka fog hadalka wasiirka maaliyadda kaga hadlay arrimaha dowladda Kenya, wuxuuna sheegay inay la dirireyso ganacsiga Soomaalida, isaga oo tusaale u soo qaatay goobihii ganacsiga ee shalay lagu burburiyey dagaalkii ka dhacay magaalada Beledxaawo.

Beyle ayaa sidoo kale sababteeda lahaa isku dhaca dowladda dhexe iyo ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oona canshuur dheeraad ah saaray Shidaalka ka soo daga dekedda Muqdisho, taas oo sababtay inay ugu dambeyn isku dhacaan wasaaradda ganacsiga & rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, waxaana mirihii kasoo baxay ay noqdeen in sifo sharci darro ah lagu kala diro hay’addaasi oo ka madax banaan dowladda inteeda kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this