Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xanuun Badan:Xaaskeygu waxay mataano dhashay annagoo ka dhuumaneyna ciidanka 

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaskeygu waxay mataano dhashay annagoo ka dhuumaneyna ciidanka

The twins

Nin aabbe ah ayaa BBC-da u sheegay in xaaskiisa ay ku khasbanaatay inay labo gabdhood oo mataano ah ku umusho goobtii ay uga dhuumanayeen ciidamada milatariga ah, maadaama uu dagaal arxan darro ah ka socday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Maalmo kaddib hooyadi way geeriyootay isaguna wuxuu ugu dambeyn mataanihii ku riday sallad wuxuuna ula qaxay dalka dariska la ah ee Suudaan.

Isagoo ay sidoo kale la socdaan wiilkiisa oo shan jir ah iyo seeddigiis oo 14 jir ah ayuu hadda ku sugan yahay xero qaxooti, halkaasoo dhakhtarad u dhalatay Mareykanka ay uga caawineyso caafimaadka mataanaha.

Dagaalkii salka ku hayay gacan ku heynta gobolka Tigray – oo ku yaalla bartamaha xaruntii ilbaxnimada dadkii hore ee Aksum – ayaa hadda ku jira bishii saddexaad.

Xoogagga xisbiga xoreynta shacabka Tigray ee TPLF iyo milatariga Itoobiya ayaa ku dagaallamaya halkaas, xilli ay aad u kacsan yihiin xiisado qowmiyadeed.

Dagaalka waxaa ku barakacay qiyaastii labo milyan oo ruux, kuwaasoo ku dhawaad 60,000 oo ka mid ah ay u carareen dhinaca waddanka Suudaan.

Qof walba oo qaxay wuu hayaa sheeko u gaar ah – oo ku saabsan sidii uu dareemay markii uu maqlay dhawaaqa rasaastii ugu horreysay; sida ay dadku isugu qariyeen godadka xilli ay bambooyin iyo madaafiic dhacayeen, iyo sidii rasaasta loola dhacay looga kufsaday.

Dad badan ayaa sidoo kale xasuusan sida ay ugu suuragashay in ay dhowr maalmood sii safraan, iyagoo aan heysanin cunto iyo biyo, ujeeddadooda kaliyana ay ahayd in ay gaaraan meel ay ku badbaadi karaan.

Haddaba tani waa sheekada ninka ay xaaskiisa ka geeriyootay ee lagu magacaabo Abraha Kinfe:

Short presentational grey line

Da’deydu waa 40 sano. Xaaskeyga dhimatay, oo lagu magacaabi jiray Letai Tsegay, waxay ahayd 29 jir. Waxaan isguursannay 13 sano ka hor, saddex carruur ah ayaana lahayn.

Waxaan ku noolaan jirnay dhuul baaro ah oo u dhow magaalada Mai-Kadra ee galbeedka gobolka Tigray. 10-kii bishii November, ciidamada federaalka ayaa soo galay deegaankeenna, wayna sii dhaafeen gurigeenna.

Ma aysan ku baraarugin inaan annagu halkaas joognay. Neefta ayaa naga soo fuqday.

This photograph taken on November 21, 2020 shows abandoned beds used as stretchers to carry bodies, laying next to collective graves at a cemetery, of victims that were allegedly killed in the November 9, 2020 massacre, in Mai Kadra, Ethiopia
Galbeedka Tigray wuxuu ka mid ahaa deegaannadii ugu horreeyay ee uu dagaalka saameeyay

Kaddib waxaan tagnay keymaha gurigeenna u dhow si aan ugu dhuumanno annaga iyo afar kale oo dariskeenna ah. Xaaskeyga waxaa hayay xanuun aad u daran oo fool ah, laakiin aad baan uga cabsanayay inaan u qaado xarunta caafimaad ee ku taalla magaalada Mai-Kadra.

Xaaskeyga waxay duurka ku umushay labo gabdhood oo mataano ah iyadoo ay caawinayeen labo haween ah oo halkaas nagula dhuumanayay. Nasiib wanaag ayey ku dhacday taas.

Maalintaas galinkeedii dambe, dib ayaan ugu laabannay gurigeenna. Nasiib darro, waxaa muro lahayd in Letai aysan heli karin daawo. Ma aysan heli karin isrbadda ka joojin lahayd dhiig baxa. Qiyaastii 10 maalmood kaddib, Letai way geeriyootay.

Aad baan u qalbi jabay. Annaga iyo afar qof oo dariskeenna ah ayaa ku aasnay beerteenna dhexdeeda.

Waxaa fiicnaan lahayd inay suurogal ii ahaan lahayd inaan u qaado xarunta caafimaadka, laakiin xilligaas xaaladdu way qasneyd magaalada dadkuna waxay u cararayeen si ay naftooda u badbaadiyaan. Magaaladu wali waa meel ay meydad ka buuxaan.

Shan sano ka hor, aniga iyo qoyskeyga waxaan kasoo guurnay magaalada Metama [oo ku taalla gobolka dariska ah ee Amxaara] sababo la xiriira dagaallo qowmiyadeed.

Abraha Kinfe

Waxaan u qaxnay magaalada Mai-Kadra si aan nolosheenna mar kale hood uga soo billowno. Dowladda hoose ayaa na siisay dhul yar oo aan beer ka sameysanno.

Goobteenna cusub ayaan ka dhisannay guri yar oo ka sameysan geedo iyo dhoobo. Waxay ahayd meel aan ku qanacsan nahay aniga iyo xaaskeyga. Wiilkeenna halkaas ayuu ku dhashay. Xitaa gabdhaheyga mataanaha ah halkaas ayey ku dhasheen, ka hor inta aannaan ka tagin 20 maalmood kaddib.

Markii ay xaaskeuga geeriyootay waxaan dareemay in adduunka oo dhan ii iga burburay. Waan ooyay in badan anigoo meykeeda dhabta ku heysta. Waan nacay dagaalka baas ee nolosheenna burburiyay.

Xaaskeyga aan jeclaa, hooyada carruurteyda, waxay u geeriyootay daawo la’aan awgeed.

Members of the Amhara militia stand in a street of Mai Kadra, Ethiopia, on November 21, 2020.
Ciidamada dowladda taageersan ee ka yimid gobolka Amxaara ayaa maamula magaalooyinka ay ka mid tahay Mai-Kadra

Maadaama xaaladdu ay wali khatar ahayd, dariskeygu waxay aadeen Suudaan. Anigu waan ka haray, waxaa ila joogay mataanaha, wiilkeyga iyo seeddigeey.

Mar walba oo aan aragno ciidamada, waxaan ku dhuuman jirnay keymaha. Aad bay u adkeyd inaan kaligeey xannaaneeyo mataanaha, mar haddii aysan wax daris ah ila joogin.

Carruurta intaas la eg waxay u baahan yihiin naaska hooyadood. Waxaan mar kasta afka ugu dhibcin jiray biyo, sokor, mararka qaarna farteyda ayaan afka u galin jiray si uga dhuuqaan maraq farta kusoo daray.

Qiyaastii 20 maalmood kaddib, Waxaan tagay saldhigga ay ciidanka federaalka ku lahaayeen aaggaas, waxaana weydiiyay in aan carriirteyda mataanaha ah geyn karo xarunta caafimaad ee ku taalla Xumeera, oo ah magaalo kale oo halkaas u dhow.

 

Refugees from the Tigray region of Ethiopia wash their clothes on the Sudanese bank of the Tekeze River with Sudanese locals on December 5, 2020 in Hamdayet, Sudan.
Wabiga Tekeze wuxuu ahaa meesha ugu badan ee ay qaxootiga ka tallaabayeen

Nasiib wanaag, way ii oggolaadeen inaan gudbo, laakiin markaas kaddib waxaan u dhaqaaqay dhinaca wabiga Tekeze, waxaana uga tallaabay doon si aan u gaaro magaalada Xamdaayit ee dalka Suudaan.

Waxaan mataanaga ku qaaday sallad, ;abada carruur ee kalena way ila socdeen.

Hadda waxaan hoy ku heysataa xerada qaxootiga ee Xamdaayit. Dhakhtarad Mareykan ah oo ka tirsan Laanqeyrta Cas ayaa xannaaneysa mataanaha.

Waxay siisaa daryeelka ay u baahan yihiin, xaaladdoodana waxay kasoo war doontaa saddex maalinba hal mar. Ilaah ka barakeeyo, hana ku abaalmariyo naxariista iyo gargaarka ay u sameyso dhammaan qaxootiga.

Map
1px transparent line

Mataanaha hadda waxay dhaafeen 2 bilood. Waxaan arkaa inay miisaan sii yeelanayaan. Laakiin wiilkeyga shan jirka ah wuxuu aad u tabay hooyadiis – si joogto ah ayuu ii weydiiyaa. Arrintaas qalbi jab ayey igu noqotaa. Waxaan karaahsadaa beenta aan u sheego ee ah inay maalin uun noo imaan doonto.

Si joogto ah waxaa dhib ugu qabaa sidii aan nafteyda uga dhaadhicin lahaa inay naga tagtay Letai. Noloshu way adag tahay runtii. Waa kuwan mataanaheyga, waxaana qirsanahay in ay yihiin kuwa mar walba i xasuusiya in xaaskeyga ay ku dhimatay dhabteyda.

Dadka kale ee qaxootiga ah ayaa isku daya in ay i sabarsiiyaan waqtina ila qaataan.

A family of Ethiopian refugees who fled the Tigray conflict rests in a makeshift shelter at the Border Reception Centre in Hamdayet, eastern Sudan, on December 8, 2020
Inkastoo Suudaan ay kusii qulqulayeen qaxootiga, haddana waxay ku baaqeysay inay dhexdhexaadiso dhinacayada isku haya Tigray

Ilaa hadda waxaa ilaah ka baryaa inuu i siiyo awood aan uga gudbo murugada aan kala kulmay musiibada igu dhacday.

Si qota dheer ayaan isu weydiiyaa sababta nabaddii iyo amnigii aan heysannay nalooga qaaday. Maxaan galabsannay oo aan dhibaatadn u mareynaa?

Maxay tahay sababta naloogu diiday inaan badbaadno oo u noolaanno, halka kuwii musiibadan noo keenayna ay ku naalloonayaan xasulooni?

Waxaan dib usoo xasuustaa maalintii aan kasoo guuray Metema ee aan soo dagay Mai-Kadra iyo dadaalkii aan u sameeyay dhismaha nolosha qoyskeyga.

Laakiin hadda waa i kan anigoo aan waxba faro ku heynin, dhul aan beerto ma heysto, xaaskeygii aan jeclaa ma heysto, bulshadii aan qeybta ka ahaa majirto, wax walba waan waayay.

Waxaa jira tobaannaan kun oo qaxooti ah oo ku sugan xeryaha Suudaan, dhammaanteenna waxaan ka nimid Tigray. Waxaan arkaa in uu dagaalna noo saameeyay si aad u xun.

Waxaan rajeynayaa in uu dagaalkan u dhammaan doono si dhakhso ah, nabaddeenniina aan dib u heli doonno. Waxaan sugi la;nahay inaan dib u noqonno si aan mar kale u billaabanno nolosheennii aan ku heysannay dhulkii aabbayaasheen nooga tageen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this