Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Dheere oo hoostaga magaakadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah aya innoo in miinadaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa labo askari oo ka tiranaa ciidamada ammaanka.

Sidoo kale ciidamada ayaa sameeyey baaritaano kooban, kadib qaraxaasi oo uu maamulka deegaanka ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this