Deeq A. Posted January 25, 2021 Kadib Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Imaaraadka ayaa ogolaaday in Israa’iil ay ka furato Magaalada Abuu Dubia Safaarad. Furashada Safaaradda Is’iil ayaa imaaneysa iyadoo Tel Aviv ay xoojineyso xiriirkeeda Wadamada Bariga dhexe, Waxa ayna gaarayaan heshiisyo Mareeykanka Garwadeen Ka Yahay . Tel Aviv ayaa dooneysa in ay ka faa’ideeysato qeeyraadka ku jira dhulalka wadamada Khaliijka, iyadoo sidoo kale sare u qaadeysa Sameynta Hubkeeda dahsoon ee Nugliyeerka (Nuclear) . Xukuumadda Yahuudda ayaa sanadihii u danbeyay xoojineysay xiirirka ay la yeelaneyso dowladaha Islaamka , iyadoo horay Safaarado uga furatay Wadamada Baxrayn iyo Marooko. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites